Dooro Murashaxa Isbadal doonka Ee Madaxwaynaha Juba Land State Of Somaliya (Waa Kuma Murashaxaas + Sawiro)

Tuesday, January 1, 20130 comments

Musharraxa Madaxwaynaha Maamulka Juba Land State Of Somaliya Eng Bashiir Axmed Maxamed ayaa Soo dhaweeyay Isfahanka Dhaxmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamuka Jubaland state of somaliya kaasoo Ku Dhamaaday Isfahan .

Sidoo kale Murashaxa Madaxwaynaha Juba Land State Of Somaliya ayaa soo Dhaweeyay Booqashadii ay ku tageen Wafdigii uu Hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/kariin xuseen Guuleed iyo wasiirka gaashaandhigga Mudane C/Xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi Wuxuuna ku Tilmaamay Safarkaas Mid guul ah oo shacabka ku Dhaqan Deegaanada Jubaland U Nooqnaya Mid Soo Dadajinaya Maamul u samaynta Jubaland .

Dhanka kale Murashaxa Madaxwaynaha Maamulka Juba Land State Of Somaliya Eng Bashiir Axmed Maxamed ayaa ugu Baaqay Shacabka soomaaliyeed Qaasatan shacabka ku Dhaqan Deeganaada Jubaland in ay Siiyaan Codkooda Si uu u Noqdo Midkii ka samata Bixin lahaa dhibka iyo Colaadda ku dheeraatay deegaanada Hoostaga Jubanad wuxuuna Balan Qaaday hadii ay Codkooda Siiyaan in uu ka saarayo dhibkaas Mudda dheer Qaatay .











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog