Wararka Uu Helayo newbanaadir.com ayaa sheegaya in Fanaanada Nimco dareen oo ah fanaanad
Soomaaliyeed mudooyinkii u danbeeyay ku sugneed deegaanka Soomaalida
Itoobiya gaar ahaan Magaalada Jig jiga ay wado qorsha ay doonayso in ay
xarun ka dhigato Magaalada Jig jiga .
Qoraalo la helay ayaa
xaqiijiyay in fanaanada ay Dowlada deegaanka Soomaalida itoobiya ka
heshay soo dhawayn iyadoo la sheegay in ay jiraan balan qaadyo aan la
shaacinin waxa ay yihiin laakin fanaanada ayaa xili warysi ay siisay
qaar ka mid ah Warbaahinta sheegtay in ujeedada ay u timid Jig jiga ay
tahay in ay dadkeeda wax la qaybsato sida ay sheegtay .
Nimco Dareen oo caan ku
ah Heesteeda Dareen oo ahayd Heestii aay ku soo caan baxday ayaa weerar
kala kulan tay Kooxa dhalinyaro caraysan bartamahii sanadkii aan ka soo
gudbnay, xili ay ku sugneed Magaalada Narobi ee Xarunta Dalka Kenya
kidib markii xaflad bandhig ahayd ku qabtay .
Hayeeshee
Nimco dareen oo deegaan ahaan ka soo jeeda degmada Dhagax Buur ayaa la
rumaysan yahay in mudooyinkii u danbeeyay waday olalo ay ku doonayso
Jaaliaydaha ka soo jeeda Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya uga dhac
dhacsiiso ka qaybqaadashada Banaamijyo hormarineed oo deegaanka ka socda
waxa ayna qaaday Heeso badan oo deegaanka ku cabirayso xalada dhabta ee
ka jirta .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
