Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga oo ka qeybgalaya Kulan looga hadlayo amaanka Gobolka Sh/Hoose oo kasocda Muqdisho

Monday, January 14, 20130 comments


Kulan Balaran oo looga hadlayo Amaanka Gobolka Shabeelaha Hoose Ayna ka qeybgaleen wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa haantan ka soconaya Magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ah mid looga hadlayo amaanka iyo xaaladda gobolka Sh/hoose ayna ka qeyb galeen wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka Qaranka, wasiirka garsoorka iyo cadaalada iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo ku abtirsanada Gobolka.

Waxaana u jeedka kulankan uu yahay mid looga arinsanayo sugida Amaanka iyo sidii loo horumarin lahaa dadka ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose iyo sidii ay dowlada Soomaaliya isbedel ugu sameyn laheyd amaanka gobolka oo ay ciidamada Qaranku howlo amni sudid xoog leh kawadaan.

Markii uu soo gaba gaboobo kulanka ayaa waxaa la filayaa in mas’uuliyiinta dowladda ee ka qeyb gashay kulan ay si wadajir ah ula hadlaan saxaafadda si ay uga warbixiyaan waxyaabihii la isla afgartay iyo go’aanadii ka soo baxay.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog