Fananada reer Jabuuti Zamzam Ali Rooble oo in muda ah ka maqnay fanka ayaa soo saartay hees ka yabisay bulsha weyntii Dawatay ,waxaana heesta lagu magacaaba "Aduunyadaan"
Fanaanada ayaa tinta Usoo jaratay qaabka ay caana ku tahay Fananada Farxiyo Kabayare oo mudooyinkaan danbe fanka ku qabsatay tinta jaran iyo waliba xirashada guntuunada oo inta badan lagu yaqaano hablaha Soomaaliyeed.
Fanaanada Zamzam Ali oo ah fanaanad caan ka ah dalka Jabuuti ayaa leh heeso aad u badan lakiin mudooyinkii danbe ayaa laga wayay masraxa fanka walow ay maanta boorka iska soo jaftay soona saartay hees macaan oo oo wadata muuqaal wanaagsan.
Sido kale fanaanada Zamzam Ali ayaa heestaan cusub ku soo jiitay tageero badan oo ay lumisay mudadii fanka ay ka maqnayd, waxayna heestaan ku cadaysan in fanaanada wali ay tahay fanaanad cod iyo quxba leh.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com