Tabby Brown oo ah gebadha Dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Maraykanka ahna qof jog iyo qurux jir dhismeed wanaagsan siiyay ayaa karaka cas u taagtay Xiddiga Kooxda Man Citry Super Mario kadib markii kala dhantaalmay Xariir la sheegay in uu ka dhaxeeyay muda todoba bilood ah.
Tabby ayaa lugu soo waramayaa in ay yeelatay Saxiib cusub oo nolasheeda ku soo biiray kaa oo la yiraahdo Trey Songz ninkaa oo ah nin rabsita ah oo leh albuna caan ah uu soo saaray wax ayna saxibkaa cusub keenay in daaqada laga saaro saxibkeed hore Mario.
Xiddiga Mario oo laba maalin ka hor xarunta tababarka isku gacan qadeen macalinkiisa Macini ayay xili ay arintaa ka hadlaysay ku tilmaamtay mid aan dabeecad lahayn oo xanaaq badan islamarkana waxay ku sheegtay in uu yahay nin dulqaadka ku yar yahay .
Tabby Brown ayaa iska diiday in wax xariir ah kala dhaxeeyay xiddigaa reer Itali waxa ayna sheegtay in saxibo cadiya kaliya ahayeen ee wax dheer aysan jirin sida ay ka dhawaajisay Gebadhaan waxa ayna tilmaamtay in ay wax badan kala hadli jirtay Raffaella Fico oo u dhashay cunugiisii u horeeyay kaa oo ilaa iyo hada inkirsan yahay in xariirkeeda wanaajiyo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
