Gabar Jaamaciyad Ah Oo Iska Gubtay Shahaadeeda Jaamacada Dab Qabadsiisay

Saturday, January 5, 20130 comments

Gabadhaan oo dhulatay dalka Sacuudi Carabiya ahna gabar jaamicyad ah ka ma baxday mid kamid ah jaamacadaha ku yaalo dalka Sacuudiga ayaa iska gubtay shahaadeedii asliga aheed, gabadhaan ayaa la sheegay sababta ay ugubtay shahaadada in ay tahay kadib markii ay wayday rajadii ay kalaheed in ay heer gaarto ama shaqo ku haboon hesho niyad jabka ku yimid gabadhaan aawadeed ayay ugubtay shahaadeeda taas la noqotay dad badan layaab.

Dalka Sacuudiga ayaa ah wadan hodan ah ilaah ku maneestay nimcooyin badan balsa dadka wadankaas ayaa ah kuwa kuwa heesato nolol faqri ah ama ay aad ugu badantahay dadka aan shaqeyn oo loo yaqaano baagamuudada .

Rajada ay ka laheed mustaqbalka gabadha ayaa mugdi galay taas oo sababtay niyad xumo ah in ay iska gubto shahaadeedii saxda ah.

waa wax ku cusub dhulka Sacuudiga in dad heesta shahaado heer jaamacad ah ay iska gubaan shahaadooyinkooda, qofka

muslimka waa ka xaaraan in uu la yimaado wax niyad jab ah mana ahan in uu ka quusto naxariista Allah SWT. 














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog