Amal Aden oo ah gabar Soomaali ah, oo ku nool dalka Norway ayaa si
cad oogu dhawaqdey in ay tahay haweeney ah nooca loo yaqaan Lesbian ee
la nool haweenay kale.
waxa ayna Amaal ka shaqeysa arimaha qoxootiga iyo dadka soo galootiga
ah ee dalkaasi ayadoona wax ku qorto Joornaalka Aftenposten ee ka soo
baxa Magaalada Oslo.
Sidoo kale, Wargeyska ayaa sheegay in Amal Aden oo ku dhalatay
Soomaaliya iyadoo dalkana soo gashay sanadkii 1996kii, ay horey ugu
ahaan jirtay Darbiyo jiif Magaalada Muqdisho ka dib markii sida ay
sheegtay ay reerkoodu u qaxeen halkaasi.
Gabadhaan ayaa mudooyinkan dambe waxa ay soo saareysay qoraalo Is
daba joog ah oo ay ku weerareysay hab dhaqanka Jaaliyadda Soomaaliyeed
ee ku dhaqan dalka Norway, iyadoo si xoog leh u soo badhigeysay hadalo
ay ku sheegeysay in ay yihiin cadeeymo ay ka soo uruurisay qoysas
Somaali ah.
Amal Aden oo horey u guursatay oo leh laba Gabdhood oo Mataano ah,
ayaa waxa warkeedan ay ku sheegeeyso in ay tahay.
Haweenay Lesbian ah waxaa ay ku macnaysay mid ay doonayso in ay ku dhiiri galiso
Dhalinyarada Musimka ah ee ku nool dalka Norway si ay ugu daydaan iyada
oo ay u cadeystaan Wiilsha isla nool iyo Gabdhaha isla nool iyagoo isku
jinsi ah.
Dhanaka kale Amaal ayaa la sheegayaa in ay kasoo jeedo dhalasha ahaan
Hargeysa gaar ahaan Degaanka Baadiyaha Bariga Burco halkaasi oo ay
joogaan dadkeeda iyo eheladeeda waxa uuna hadalka Amaal uu qalqal aan la
fileynin galiyay guud ahaan umad Muslimka ah iyo Soomaalida ku dhaqan
dalkaasi oo haatan dhagta u taagaya in ay maqlaan waxyaabo ka badan
intaa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com