SubxaanAllaah :- Xaas 2 Sano La Qabay Oo Lagu Magacaabo Nabiilah Ayaa Isku Badashay Nin Waa Mucjiso Rabaani Ah (Daawo Muuqaal + Warbixin)

Tuesday, January 1, 20130 comments

Kadib in ka badan laba sano Guurkeeda Gabadhii  Nabiilah  waxa ay isku bedeshay wiil la yiraahdo Nabiil SUBXAANALLAH!!!,

Waxa ay latacaalaysay inbadan xanuun dhinaca taranka ah oo markii danbe ay la gashay Isbitaal Waxaa u soo baxday  in qaliin lagu sameeyo xubnaheeda taranka kaaso aan natiijadiisa la ogayn waxa ay noqoneyso, qalinkan ayaa waxa uu nolosheeda rogay si deba gedis ah ayadoo ka guureeyso aduun Naageed ah una guureeyso aduun  Nimeed waana arrin gariib ah ama naadir ku ah aduunkan aynu ku noolnahay  Nabiilah Oo Gabar Ahayd Waxa ay isku badeleeysaa Nabiil Oo ah Nin.

 Kadib 2sano oo Xaas ahaan ay  Ulla dhaqmeeyay Ninkeeda SUBXAANAALLAH!!  ILLAAH  wax kasta wuu Awoodaa.

Ku dhawaad sedex  sano guurkoodii Nabiilah oo markaasi ahayd gabar ayaa waxa mudo dhowr ah ay  ladaala dheceeysay Xanuun aan la ogeyn waxa uu yahay Axmed oo ah Ninka Qaba Gabadhan ayaa waxa uu isku deyay in  wax un laga ogaado xanuunkan lasoo darsay gacalisadiisa waxa uu ukaxeeyay isbitaalka si wax looga qabto xanuunka haya Nabiila.

Waxa ay dhaqaatiirtu sheegeen  in ay Qaliin gasho Nabiilah Kadib Maxaa Dhacay?.

Waxaa dhacday  wax uusan fileyn Ninkeeda Axmed Waligeesna  Uusan Hilmaami doonin waxa dhacay Maalinkan. Kadib markii uu dhaqtarkii u Sheegay Axmed In xaaskiisa Nabiilah Ay isku bedeshay Nabiil oo nin ah.

SUBXAANALLAAH!!!  Mar Nabiil la wereeysatay waxa uu sheegay sidan “walaahi ma aanan filey in aan noqon doono  nin”.

Kooxdii dhaqaatiirta aheyd ee howsha Qaliinka ah Fulineeysay islamarkaana  dabiibeysay Nabiil ayaa arrinkaan waxa ay ku sifeeyeen in waxani ay yihiin wax aduunka naadir ku ah ama aanan dhicin iyagoo sheegay in sirasimi ah Nabiilah ay  ka guurtay jinsigii dhediga ahaa  ayna uu guurtay jinsiga labka ah hada ay tahay nin SUBXAANALLAAH!!!.
waxa ay ka dhacday Qisadani degmo ku taal dalka yemen oo lagu magacaabo IBI.

Nabiil ayaa hada waxa uu u diraar garoobay isagoo cimaamdiisa dhuuqsaday isla markaana ka guuray kabihiisii hore ee dumarka hada  kabaha ragga, waxa uu macsalaameynayaa Axmed oo ah ninkii uu mar xaaskiisa ahaan jiray isagoo samaalaya. cajiib ILLAAH FACAAL LIMAA YURIID!!!
 HMN yeysan Idin ku dheereyn qoraalkan Ee Sifiican Noola Daawada.
 











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog