Andre Wisdom ayaa heshiis cusub oo waqti dheer ah u saxiixay kooxda Liverpool isagoo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxdiisa.
Wisdom oo 19 jir ah ayaa kulankiisii ugu horeysay ee kooxda u ciyaaray koobka Europa League bishii September ee sannadkii hore markaasoo uu fursad siiyay tababare Brendan Rodgers, waxaana uu xilli ciyaareedkan kooxda u saftay 14 kulan.
“Sharaf weyn ayay ii tahay inaan kooxda u saxiixo heshiis cusub, aad ayaana ugu faraxsanahay” ayuu Wisdom u sheegay website-ka kooxdiisa.
“Waxa ay aheyd go’aan sahlan, labada gacmood ayaana ku qabsaday markii fursada loo ii soo hordhigay sababtoo ah waa koox weyn waxaana doonayaa inaan u sii ciyaaro Liverpool.”
Wisdom ayaa ku biiraya Raheem Sterling, Luis Suarez, Martin Skrtel, Daniel Agger, Suso iyo Jonjo Shelvey kuwaasoo heshiisyo cusub u saxiixay kooxda Anfiled ka dhisan xilli ciyaareedkan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
