Wasiiru Dowlaha Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir oo la kulmay Amiirka Kuwait

Wednesday, January 9, 20130 comments



Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ah Wasiiru dowlaha xafiiska madaxtooyada Soomaaliya,ahna qofka kaliya ee u dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Amiirka dalka Kuwait Amir Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah.

Sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Kuwait (KUNA) Faarax Cabduqaadir ayaa la kulmay Amiir Sheikh Sabah al-Ahmad isagoo ugu warbixiyay xaaladda dalka iyo isbaddalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya.

 Dhambaal uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayuu u gudbiyay amiirka, kaasoo la sheegay inuu la xiriiro xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal. iyadoo kulankaasina ay goob joog ahaayeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Kuwait.

Faarax C/qaadir Wasiiru dowlaha xafiiska madaxtooyada ayaa maalmahan socdaal la sheegay in lagu xoojinaayo xiriirka dalalka Islaamka iyo Dowladda cusub ku maraya dalal Carbeed, isagoo todobaadkii hore la kulmay qaar ka tirsan Amiirada Boqortooyada Sacuudiga.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo dalal ay ka mid yihiin Qatar, Cumaan iyo kuwo kale si uu ula kulmo amiirada dalalkaasi una gudbiyo fariin uu ka wado Madaxweynaha dalka.  












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog