Maamulka Gobolka Bakool Oo Sheegay Iney Shabaab Ka Sifeynayaan Gobolkaas

Saturday, January 26, 20130 comments


Maamulka gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney alshabaab ka saareen deegaano badan oo ay gobolkaas kaga sugnaayeen gudoomiyaha gobolka Bakool Max’ed Macalin ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka gobolka Bakool uu alshabaab ka saaray deegaano dhowr ah oo ay ku sugnaayeen, isagoona ballan iney alshabaab ka sifeyn doonaan gobolka Bakool oo ay xiligan ku suganyihiin deegaano ka tirsan gobolkaas.
Gudoomiyaha ayaa sheegay iney wadaan dagaalo iyo hawlgalo ay doonayaan iney gabi ahaanba gobolkaas kaga saaraan alshabaab wuxuuna wacad ku maray in bishan soo socota ay alshabaab ka nadiifin doonaan deegaanada ay uga harsanyihiin gobolka Bakool ee koonfur galbeed Soomaaliya.
Gudoomiye Maxamed Macalin ayaa sheegay in alshabaab aysan waqtiga lahayn awood ay iskaga difaacaan weerarada ay ku qaadayaan isagoona arintaa u aaneeyey labo arimood oo uu sheegay iney alshabaab lasoo darseen,tan koowaad ayuu ku sheegay inshabaabka Soomaaliya uu soo kala dhexgalay khilaaf baahsan oo hareeyey hogaamiyaashooda iyo arinta kale oo ah dhaqaalo xumo baahsan oo soo foodsaartay alshabaab kadib markii laga saaray deegaano badan oo ay dhaqaalo ka heli jireen.
Gudoomiyaha gobolka Bakool ayaa ka codsaday dowlada Soomaaliya iney garab ku siiso maamulkiisa sidii ay alshaab uga saari lahaayeen deegaanada ay uga suganyihiin gobolka Bakool oo waqti xaadirkan ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya alshabaab iyo ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab milateri ka helaya kuwa Itoobiya.








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog