Macalin Soomaali ah oo Dhagax lagu Dilay Gudaha Dalka Turkiga iyo Soomaalida kunool Dalkaasi oo aad u hadal haya

Friday, January 18, 20130 comments


Wararka laga helayo Dalka Turkiga ayaa sheegaya in Dalkaasi uu ka dhacay Dil fool xun ee isku Geesteen Muwaadiniin Soomaali ah oo kunool Gudaha Dalkaasi kadib markii dagaal gacan ka hadal dhaliyay uu dhax maray.

Arintan ayaana timid kadib markii labo Nin oo Soomaali ah uu dhax maray Dagaal iyo is qab qabsi taa oo dhalisay in Mid kamid ah Raga is heestay uu u soo hiiliyay Walaalkiis xiligaasi kadibna Dhagax ku dileen Ninkii kale ee Muranka kala dhaxeeyay.

Marxuunka la dilay ayaa Magaciisa noo lagu sheegay Macalin Ibraahin waxa uuna ahaa Macalin Dugsi Quraan ku dhiga Gobolka Burdun ee Dalka Turkiga , arintan Dilka ayaana noqotay mid saameyn iyo hadal heyn badan ka dhax dhalisay Soomaalida dhaxdeeda sida uu noo xaqiijiyay Bile Cabdi Maxamed.

Halka ee dhacdadan ka dhacday ayaa waxaa gaaray Saraakiil katirsan Safaarada Soomaaliya ee Dalka Turgiga waxa ayna u sheegeen in Dadka ee is dajiyaan gacan ku dhiigalaha hada gacanta ku hayana Ciidamaad Booliiska lana baari doono waxa keenay dhacdadan Naxtinta badan.

Waa falkii ugu horeeyay oo nuucaan ah oo ka dhaca gudaha Dalka Turkiga ee isku dilaan Muwaadiniin Soomaali ah dhax dooda , waxaana meelo badan oo caalamka ka dhaca Dilal ee Soomaalida dhaxdooda isku geestaan .












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog