Waxaa magaalada Minneapolis kusii wajahan Madaxweynaha Soomaaliya Xassan SH Maxamuud wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya Fowsiya Xaaji Adan iyo Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cabdullahi Ciilmooge.
Madaxweyne Xassan SH ayaa jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota la hadli doona fiidnimada Jimcaha.
Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa iyana hareer socda Mudaharaad looga soo horjeeda.
Gudiga qabanqaabada Mudaharaadka looga soo horjedo madaxweyne Xassan oo warbaahinta la hadashay ayaa waxa ay sheegeen inay sababta ay uga gol leeyihiin mudaharaadka ay tahay sida ay u suluugsan yihiin faragalinta Dastuurka, Maamul Goboleedyada.
Cismaan Axmad SH oo kamid ah gudiga ayaa waxa uu yiri.
waxaa muuqata in madaxweynuhu uu dhinac maray dastuurkii isaga lagu soo doortay faragalin badan in uu ku hayo maamuladii ama uu damacsan yahay ama uu damacsan yahay in uu carqaladeeyo
Cismaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri.
hadaynu nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minneasota kuwii ka badbaaday dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya waxaan cabsi ka qabnaa Soomaaliya in dib ugu noqoto dagaaladii sokeeye…”
Jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota ayaa ah mid balaaran saameyna ku dhex leh Gobolka waxaana muuqata in ay ku kala qeybsan yihiin siyaasada Madaxweyne Xassan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com