Raysal Wasaare Saacid Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Dilkii Wariye C/xareed Iyo Xariga Wariye C/casiis Koronto

Sunday, January 20, 20130 comments

Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka heesta suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ugu horeyn wuxuu ka hadlay dilkii shalay Magaalada Muqdisho loogu geestay mid kamid ah wariyeyaasha ka howlgala Idaacada Shabeele oo ay toogteen kooxo hubaysan.

Raysal wasaaraha ayaa tacsi u diray dhamaanba eheladii uu ka geeriyooday wariyahaan iyo waliba suxufiyiinta Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan.

Sidoo kale Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ay in uu rabay in uu ka qayb galo aaska wariyaha isla markaana ay u suurta galiwaysay laakiin wuxuu balan qaaday in xukuumadu ay la wadaagayso dhamaana dadkii uu ka baxay wariyahaas.

Raysal wasaaraha wuxuu intaasi ku daray hadalkiisa in ciidamada dowlada Soomaaliya ay samayn doonaan baaritaano waaweyn oo lagu doonayo in la soo ogaado dadkii ka danbeeyay falkaan.

Ugu dambeyn Raysal Wasaare Shirdoon ayaa soo hadal qaaday xariga wariye C/casiis koronto isaga oo sheegay inuu socdo baaritaano ku aadan falka Booliiska ay ku eedeeyeen,waxaana uu tilmaamay in hadii dambi lagu helo lagu qaadayo hadii kalena lasiidaynayo.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog