Laacibiin caan ah oo dhexdooda iska dagaalaya & Muuqaalkii ebid ugu Qosolka badnaa oo la soo saaray (Daawo adaa yaabi doone) !!

Sunday, January 20, 20130 comments

Dhamaan bahda Ciyaaraha Kubada cagta Muuqaalkaan aad ayay ula dhaceen waxaana hubaal ah in aad ku dhex arki doontaan Muuqaalkaan Cajiibka ah Wax yaabo fara badan oo kaa yaabiya waliba aadan horay u soo arag.

Laacibiin caan ah oo hadane Saaxiibo ama isku koox ah ayaa is Dagaalaya waxaana ka xusi karnaa xiddigaha kooxda Fc Barcelona sida Gerard Pique iyo Dani Alves.

Weeraryahano caan ah inta ay Kubada la dhaafaan ama u gambiyaan Boortayaasha ayay hadane si Cajiib ah u qasaarinayaan Kubada ama Goolka. Waxaa kaloo ku jira Muuqaalkaan Ciyaartooyda Darbooyinka kulul oo Shabaqa Kubada ka dhex bixinaya awood darteed.

Weeraryahan Mario Balotelli wuxuu Lugaha iskugu taabanayaa ama Jilaafayaa saaxiibkiis Weeraryahan Edin Dzeko. Ciyaaryahan Leo Messi oo lagu tiriyo Laacibiinta ugu degan Maslaxa Ciyaaraha Kubada cagta wuxuu Kubad ku darbeenayaa Taageerayaasha kooxda Real Madrid oo buuq iyo caay raaxada uga qaaday.

Ebid Rigooradii ugu Quruxda badneed waxaa dhalinaya Xiddig si cajiib ah dhulka uga kacaayo intii uusan tuurin ama dhalin Rigoorada.

Arinta na cajabisay ee Qof kasta oo Ciyaaraha Kubada cagta wax ka yaqaan uu ku Qosli doono waxa ay tahay Ciyaaryahan ku ciil baxay Calan wade hortiisa ordayay xili uu rabay in uu kubad Paaso kaas oo leh sidatan " Naga hor leexo oo naga har inkaar kugu dhacdee muxuu ahaa waxaan "

Waxaa jirta sidoo kale mar Kubada ay kaga dhaceeysa Ciyaaryahan Leo Messi dhanka Xaniinyaha kaas oo xanuunsanaya

Mid ka mid ah Xiddigaha Caalamka Ciyaarta oo socoto ayuu Ciyaaryahan kale oo ka soo horjeeday xambaarsanayaa. Mar waxaa garoonka soo dhex galaya oo Kubadii afka ku qaadanaya Eeey.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog