Real Madrid Oo Laga Soo Diiday Racfaankii Ay Ka Qateen Ganaaxii Shanta Kulan Ee Sergio Ramos.

Saturday, January 19, 20130 comments

Racfaankii ay Real Madrid ka qaadatay ganaaxii shanta kulan ee lagu soo rogay Sergio Ramos ayaa lagu guuldareystay ka dib markii ay soo diiteen gudiga racfaanka.

Daafaca ayaa ganaax shan kulan ah garka loo geliyay isbuucii hore ka dib markii uu casaan qaatay kulankii Copa del Rey ee Celta Vigo, waxaana lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay garsoorihii ciyaarta.

Madrid ayaa ka soo horjeesatay go’aankii lagu ganaaxay ciyaaryahankooda waxaan ay ka qaateen racfaan, iyagoo doodaya in jaalihii labaad ee uu ciyaaryahanka casaanka ku qaatay iyo aflagaadadii uu garsooraha u geystay inay isku mid ahaayeen oo aan laga dhigin labo arimood oo kala duwan.

Si kastaba, gudida racfaanka qaada ayaa taageeray go’aankii ganaaxa, iyagoo sheegay in xeerka dishibiliinka qodobkiisa 94aad inuu dhigayo in la ganaaxo 4 kulan halka kulanka kale ee ganaaxa uu ku yimid 5 jaale oo isagu gaartay ciyaaryahanka reer Madrid.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog