Fernando Llorente Oo Qarka U Saaran Inuu Heshiis La Gaaro Kooxda Juventus.

Saturday, January 19, 20130 comments

Jariirada Marca ayaa aaminsan in weeraryahanka Athletic Bilbao Fernando Llorente inuu ku dhow yahay inuu heshiis uu si xor ah ugu wareegayo Juventus la gaaro kooxda ka dhisan Serie A.

Gooldhaliyahan ayaa ka tagaya Athletic xagaaga marka uu dhaco qandaraaskiisa, waxaana uu haatan u fasaxan yahay inuu wadahadal la galo kooxaha xiiseynaya.

Athletic ayaa xaqiijiyay maalmihii u horeeyay ee bishaan Janaayo in kooxda Bianconeri ay wadahadal la bilowday Llorente, waxaana haatan la rumeysan yahay inay qarka u saaran yihiin inay heshiis gaaraan.

Gaar ahaan, Marca ayaa sheegeysa in 27 jirkaas uu qarka u saaran yahay inuu aqbalo heshiis afar sanno ah oo uu ugu biirayo kooxda heysata horyaalka Serie A, isagoo fursad u heli doona inuu sannad shanaad ku darsado hadii uu doonayo, waxaana mushaharkiisa uu noqon doonaa 4.5 milyan euro sannadkii.

Hadii warkan uu run noqdo markaas mushaharka Llorente ayaa ka dhigaya ciyaaryahanka labaad ee ugu mushaharka badan Juventus isagoo ka danbeyn doona Gigi Buffon.

In heshiiska lagu dhawaaqo ayaa la filayaa inay dhacdo 10ka maalmood ee soo socota, iyadoo mid ka mid ah wakiilada Llorente uu haatan ku sugan yahay Turin.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog