Real Madrid Oo Lagu Soo Waramayo Inay Qorsheyneyso In Jose Mourinho Ku Bedesho Arsene Wenger.

Sunday, January 27, 20130 comments

Wargeyska Sunday People ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa laga soo xiganayaa in kooxda Real Madrid uu hadafkooda koowaad yahay Wenger hadii Jose Mourinho uu kooxda ka huleelo.

Sida wargeyska uu tilmaamayo maamulka Madrid ayaa filaya in tababare Jose Mourinho uu kooxda ka tagayo, sdioo kale warkii dhawaan ka soo yeeray Wenger ee ahaa in maalmihiisii Arsenal ay ku dhaw yihiin dhamaad hadii qandaraaskiisa uu dhamaado ayuu wargeyskaan leeyahay waa xaqiiq.

Madaxa Real Madrid ayaa dhankiisa doonaya in uu hubsado in tababare magac leh uu ugu jiro kursiga keydka, waxa uuna u arkaa Wenger magaca weyn ee uu heli karo una badali kara Jose Mourinho oo warkiisa uusan fadhin.

Waxaa lagu waramayaa in Real maalinba tababare lala xariiriyo iyadoo warar horay u soo baxay sheegayeen in Real u aragto tababaraha Borussia Dortmund Jurgen Klopp in uu buuxin karo booska Jose sidoo kale xidigii hore ee Real Zinedine Yazid Zidane ayaa ka mid ah dadka u sharaxan in ay badali doonaan Jose .











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog