Saraakiisha Al-Shabaab oo kala Shaki Xoogan uu soo kala dhax galay iyo Rag katirsan Al-Shabaab oo Xabsiga la dhigay

Sunday, January 13, 20130 comments

Ilo katirsan Al-Shabaab kuna sugan Gudaha Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in uu soo iftiimay shaki aad u xoogan oo u dhaxeeya Saraakiisha Al-Shabaab dhaxdooda kadib Weerarkii Fashilmay ee Habeen kahor Faransiisku kusoo Qaadeen Deegaanka Buulo Mareer.

Kala shakiga ayaa salka ku haya Howlgalkii Farnsiiska Ciidankooda ka fuliyeen Buulo Mareer cida gacanta kusiisay iyo waliba cida sheegtay guriga ay Shabaab ku hayeen Sargaalka Faransiiska ee la doonayay in ay Ciidamadu furtaan.

Saraakiisha Shabaab qaarkood ayaa ka shakisan rag iyaga la socda hadana kasocda kuwaa ay tuhmayaan in ay gacana ka geesteen Qorshaha Howlgalkii fashilmay ee Faransiiska iyaga oo tuhmaya in Xogo badan oo ku aadan arintan la gaarsiiyay Ciidamada Kumaandooska Faransiiska sidaana duulaanka ugu soo qaadeen Buulo Mareer.

Rag katirsan AL-Shabaab ayaa sida Wararka lagu helayo lagu xiray Buulo Mraeer kuwaa oo hada lagu hayo Baaritaano tuhun la xariira , Waxaana dhaaan laga Qaaday Rag badan Mopeeladooda oo la fiirinayo Cida Soo wacday iyo cida soo wici doonta , iyadoona loo cabsanayo cidii ay Shabaab tuhunkooda kusii fogaado in ay dili doonaan.

Raga falanqeeya Siyaasadaha Shabaab iyo Al-Qaacida ayaa sheegaya in Shabaab dhaxdooda ka buuxaan Saraakiil iyo Rag kale oo Al-Shabaab la shaqeeya kana shaqeesta kuwaa oo Xariiro kala duwan la leh Sirdoonada Mareykanka Faransiiska iyo kan Dowlada Somalia iyadoona Howlaha ay hayaan Hanti badan loogu badalo.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog