Hadal heeynta ugu badan Telefishinada Caalamka ugu caansan ayaa noqotay weerarkii qorsheeysnaa ee ciidamada Faransiisku ay ku qaadeen magaalada Buulo Mareer kuwaas oo ku doonayay in ay si xoog ah ku soo furtaan Maxbuus u dhashay dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Denis Allex.
Dagaalkaan oo socday mudo 45 daqiiqo ah waxaa ku dhimatay 17 ka tirsan Maleeshiyaadka Al Shabaab iyo 2 Askari oo Faransiis ah oo midkood raqdiisa la la yahay.Weerarkaan waxaa ka qeeyb qaatay Diyaaradaha Helikobtarada milatariga dalka Faransiiska.
Maxbuuska ama laheeystaha lagu magacaabo Denis Allex oo la doonayay in la soo fakiyo waxaa dalka Somalia lagu afduubay 14-kii bishii Juulay sanadkii 2009-kii xili uu ku sugnaa mid ka mid ah Hoteelada magaalada Muqdisho wuxuuna dalka Somalia u tagay sidii uu tababar dhanka
ciidamada ah u siin lahaa ciidamada dawlada Somalia.
Denis Allex Maxbuuskii xiligaas la la afduubay waxa uu si Nabadgalyo ah uga soo fakaday gacanta Maleeshiyaadka kooxda Al Shabaab. Wasiirka Gaashaandhiga dalka Faransiiska Mr.Jean-Yves Le Drian ayaa iminka shaaciyay in uu dhintay Maxbuus Denis Allex balse xarakada Al Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in uu weli nool yahay la heeystahaas u dhashay dalka Faransiiska.
Inta badan Telefishinada Caalamka waxaa laga soo daayay Muuqaalka laheeyste Denis Allex oo Timaha ku baxeen weliba ay ka muuqato dhibaato xoogan. Goobta uu dagaalka ka dhacay waa magaalada Buulo Mareer oo 110 Km dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com