Sirdoonka Ingiriiska oo weli baadigoobaya baaritaano ku aadan soo qabashada muwaadin Soomaaliyeed oo ku eedeesan inuu xariir la leeyahay Al-Shabaab .

Tuesday, January 8, 20130 comments

Mas'uul ka tirsan Hay'ada Sirdoonka Ingiriiska ayaa wargayska The Sun u sheegay in wali ay wadaan Baaritaano la xiriira sidii ay ku soo qaban lahaayeen muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku eedeeyeen inuu xariir la leeyahay Shabaab, iyadoo sirdoonku uu sheegay inuu ninkaasi ku dhuumanaayo gudaha dalka Ingiriiska.

Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegay inay doonayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo qabtaaan 28- jirkaan lagu magacaabo Ibraahim Magag, waxsayna sirdoonku sheegeen inuu ninkaasi Soomaaliga ah uu doonayo in weeraro ka gaysto gudaha dalkaasi.

Hay'ada sirdoonka dalka Britian ayaa sheegay inuu weli socdo baaritaano, waxayna sheegeen inuu rajaynaayaan in lagu guuleysan doono soo qabashadiisa shaqsigaasi xariirka la leh Al-shabaab, wuxuuna sarkaalkaasi ka tirsan Sirdoonka uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo ciidamada ammaanka inay iska kaashadaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa shaqsigan xiriirka la leh ururka Al-shabaab.

Sirdoonka Ingiriiska ayaa Hay'adaha ammaanka faray inay galaan feejignaan sare, kana digtoonaadaan weeraro dhaca, ciidamada Ammaanka ayaa wada baaritaano dheeri ah, waxaana si buuxda loo adkeeyay ammaanka dalkaasi.










Xigasho Somaliweyn.com
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog