Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in sida kaliya ee amniga wadanka lagu soo celin karo ay tahay in Shacabka Soomaaliyeed lala tashado oo la weydiiyo waxa ay doonayaan madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey ineysan dowlada guulaysan karin hadii uusan shacabkeedu garab taagneen oo uusan gacan siineyn, wuxuuna sheegay in xiliyadii danbe aan shacabka waxba laga weydiin jirin waxa ay doonayaan iyo sida ay wax u rabaan balse waxa uu ballan qaaday in dowladiisu ay ku shaqayn doonto rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkan u jeediyey Mudanayaash baarlamaanka xili uu kula dardaarmayey iney dib ugu laabtaan deegaanadii ay ka yimaadeen oo ay shacabka ku dhaqan lasoo tashadaan, Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamku hadii ay awoodeeda oo dhan iskugu keento dalka Soomaaliya si ay u sugto nabada dalka Soomaaliya aysan ku guuleysan karin wuxuuna tusaale u soo qaatay isku daygii 1993 ay qaramada midoobe ku dooneysay in xal loo helo xaalada Soomaaliya oo markaad adkey wuxuuna tibaaxay madaxweynuhu in diyaarado dagaal iyo hub culus oo fara badan ay wateen ciidankaasi balse ay meesha ka maqneed taageerada shacabka Soomaaliyeed iyadoo markii danbe ay ciidanbkaas ku fashilmeen hamigoodii wuxuuna u aaneeyey madaxweynuhu arintaas iney meesha ka maqneed taageeradii dad weynaha Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray sidoo kale in hadii aan la hagaajin xiriirka hay’adaha dowlada ineysan mira dhal noqon doonin dadaalada la doonayo in dalka nabad loogu Soo dabaalo, wuxuuna tilmaamay in hadii xukuumada iyo baarlamaanku aysan xiriir wanaagsan lahayn inaan hore loo socon karin, wuxuuna ugu baaqay dhamaan masuuliyiinta dowlada oo uu isagu kow ka yahay iney wada shaqayn dhab ah yeeshaan, isagoona shacabka ka codsaday iney garab istaagaan dowlada si looga boxo dhibaatada dabada dheeraatay ee daashatay shacabka Soomaaliyeed.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
