Gudoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Magaalda Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa maanta waxa uu digniintii ugu cajiibsaneyd siiyay qurba joogta Soomaaliyeed ee dalka ku soo qufmeysa.
Tarsan ayaa si gaar ah waxa uu ugu goodiyay qolyaha u dabaal iyo damaashaad taga xeebta Liido oo uu sheegay in ay anshax xumo bilaabeen, aanna loogu dul qaadan Karin fasahaadka ay shabacka Soomaaliyeed u horseedayaan.
“Qolyaha Yurub iyo Mareyknka kasoo laabanaya ee ismooda in ay daka ugu dhaqanka wanaagsanyihiin waxa aan leeyahay waxa aad wadaan dhaqan maaha Soomaalida ayaa idinka dhaqan wanaagsan ee ogaada. Gabdhaha Barida qaawan ee ragga dul fuulaya ee indhaha bulshada horooda ku shuminaya looma dul qaadan doono cidii lagu arkana tilaabo ayaa laga qaadayaa”, duqa magaalada
Muqdisho ayaa ku goodiyay.
Waxa uu untaa sii raaciyay, “Ciidamamada amaanka waxa ay u fasaxanyihiin in ay qolyaha nuucaas ah qabtaan oo ay xabisiga dhigaan intii muda ah, si kuwa kadanbeeyana au ugu quus qaataan”.
Maxamuud Axmed Nuur (tarzan) ayaa waxa uu sheegay in Xeebta Liido ay kamid tahay Nimcada Ilaaheey Soomaalida ku maneestay loona baahanyahay in looga faa’iideesto sida saxda ah hasa yeeshee aan dhanka kale loo adeegsan fasahaad iyo faafinm dhaqamo Shishey oo Soomaalidu ka deeqtoontahay.
Waayihii danbe waxaa soo kordhayay u damaashaad tegidda xeebta Liido, halkaasi oo dadka ugu badan ee taga ay yihiin qurba joog midba dal uu dhaqan gaar ah ka keenay uuna si dadbad ugu gudbinayo shacabka Soomaaliyeed.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
