Sheikh Shariif oo Gabi Ahaanba Boorsooyinkiisa Ka Xerxertay Kampala

Monday, January 14, 20130 comments

Sida ay sheegeen illo lagu kal soon yahay madaxweynihi hore ee DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku sugnaa magaalada Kampala tan iyo markii looga adkaaday doorashadii September 2012-dii, ayaa la sheegay in uu aaday dalka Maraykanka.

Shariif Sheekh Axmed oo laga siiyay magaalada Kampala ee caasimada Uganda isaga iyo qoyskiisa, ayaa la sheegay in uu shaley u duulaymagaalada Washington ee xarunta dalka Maraykanka.

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Cabdixakiim Fiqi oo hoygiisa Kampala ku booqday Madaxweynihii hore Shariif Axmed.

Muxuu salka ku hayaa socdaalkiisa?

Sida ay sheegeen dad ku dhow-dhow Shariif Sheekh Axmed ayaa u aaday Washington siddii uu casharo ku saabsan dowlad wanaaga iyo dimiquradiyadda uga bixin lahaa Jaamacad halkaas ku taalla oo lagu casuumay.

Waxa kaloo la sheegay inta uu joogo jaamacadda Washington University in uu ardayda u faah-faahin afartii sano ee dowladdiisa ku-meel-gaarka wax yaabaha ay u qabatay dalka ku yaalla geeska Africa.

Waxa ku dhaweeyay garoonka Entebbe ee Uganda , wasiirka gaashandhigga Soomaaliya Cabdi Xakiin Maxamud Xaji Fiqqi iyo safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Uganda Seyd Axmed Sheeq Dahir.

Illaa hadda lama sheegin sababta keentay in Shariif Sheekh Axmed uu casharo ka bixiyo Jaamacadda G. Washington ee magaalada Washington .











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog