Tito Vilanova ayaa cadaadis sii dulsaaray Jose Mourinho isagoo soo jeediyay hadii 18 dhibcood Ay Barcelona ka danbeyn laheyd Real Madrid in xilligan la ceyrin lahaa.
Mourinho ayaa lagu dhaleeceeyay qaab ciyaareedka liita ee kooxdiisa ee ay ku difaacanayaan horyaalka iyo go’aankii uu keyd ku geliyay Iker Casillas.
Vilanova ayaana cadaadis ku sii kordhiyay dhigiisa isagoo sheegay inuu xilligan kooxda ka tagi lahaa hadii uu booskiisa ku jiri lahaa. Mar la weydiiyay hadii tartanka horyaalka uu dhamaaday, Vilanova ayaa yiri:
“Maya, laakiin hadii xaaladaas oo kale aan ku jiir lahaa halkaan ma joogeen oo su’aashaan kama jawaabeen.”
“Madrid waxa ay awoodaa inay ciyaar walba badiso qeybta labaad ee horyaalka, anagana waxaa laga yabaa in aan dhibco dhumino.
“Kama hadleyno afar kulan, waxaa haray kulamo badan. Waa ogahay in waxyaabahaas ay si dhaqso ah isku bedeli karaan. Marka labo kulan lagaa badiyo waxaad u muuqaneysaa tababaraha ugu xun.”.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
