Waxaa soo mara qofka bini’aadamka ah marxalado kala duwan noloshiisa, marxalad awood yari ah iyo marxalad uu xoog badan yahay, marxaladahaa kala duwan qofba si buu ula dhaqma una waajahaa. lagumana canaanan karo qofka mar walba maxaad u ahaan wayday, qof iska adag ,qof hirarka baddu ayna qaadi karin, qof aan la loodin karin,ma dhici karto taasi hadii laga dalbo qofkana waa isagoo la yiri xaaladii bini’ aadanimo ee dacfiga iyo jileeca ka sameysneyd ka gudub oo waxaad noqotaa Malaa’ig ama Macsuum…
Iyadoo ay taasi jirto hadana ma oran karno mar walba waa la i duufsaday iyo sheydaan baa i qaatay, qaladkaaga ha u saarin sheydaan kaliya sidoo kale qaladkaaga ha u saarin cid kale, qaladkaaga haka meermeerin ee qiro oo waajah sidii aad ku sixi lahaydna falankeed gal intaa raadinayso mar walba marmarsiiyo iyo cudur daar aan qiil lahayn,waa adiga qofka laga arkey in la duufsan karo ee cid qoorta inteey ku qabato xoog biyaha ku cab ku tiri ma jirto, maxaa adiga ku diiday inaad dhanka wanaaga u soo duufsato dadka kale.. qofka Muminka ah waa sida shinida anfacda meeshay tagtaba.
Way dhacdaa in qofka bini’ aadamka ah ay soo marto xaalad adag iyo waqti uu naftiisa hanan kareyn taasoo u sababta inuu ku dhaco wax naftiisa iyo diintiisaba dhaawacaya. marka xaaladaasi kula soo gudboonaato maxaa lagaaga baahan yahay ma inaad inta is dhiibto tiraahdo khalaas waan kufay mana kici karo,waxaa haboon inaad is dhiibin naftaadana ka qabato xumaanta inteyna caado u noqon, ku hogaami nafta wixii danteeda ah aduun iyo aakhiro, waa suurtagal in mar, laba, iyo sadexba lagu duufsado waxaadan raali ka ahayna lagugu qasbo iyadoo laguu qurxinayo xumaantii.marna adoo qaflad ku jira aad sinbiriraxato. hase yeeshee in mar walbood taraaraxdo aad dhahdo waa la i duufsaday waa wax caqliga saliimka ah diidayo waxaa la oran karaa waa waxaad ula kac u sameyanayso ama aadan kala jeclayn caadina kula ah laakiin aad ku daboolayso kalmada ah waa la i duufsaday.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com