9- QODOB SOO SOCDA: Haddii aad isku aragto Ogaaw waxaa tahay Nin guur-doon ah !!!

Saturday, February 16, 20130 comments


Aqristow Qodobada soo socda hadii aad isku aragto Ogaaw waxaa tahay nin Guur-doon ah ee Beegso halka kugu dhaw aad ka heleyso Islaan ku qalanta, Qodobadaasi oo kala ah :-

1- Ogaaw haddii aad isku aragto Ilowsho badan iyo Mashquul aan dhamaan waxaa u baahantahay Guur

2- Ogaaw haddii aana lahayn Saaxiib islamarkaana tahay nin xilli waliba careysan Ogaaw in daawadaada ay tahay Guur

3- Ma ogtahay in Ruuxa guur doonka ah uu inta badan ka fogaado goobaha Bulshada iyo meelaha lagu qaxweeyo waayo dareenkiisa ayaa mar waliba sareeya mana awoodo inuu la noolado Dhigiisa

4- Aqristow haddii aad tahay nin ama naag Iskaabulo ah waxaa kugu jira dareen Ogaaw inad tahay mar waliba Ruux aan fadhin karin adiga oo tabaaya inad hesho Zowj ama Zowjo xalaal ku ah

5- Ma ogtahay in mar waliba aad tahay Ruux la dagaala dadka oo idil isaga oo aan wax laga sameyn waana astaan inta badan dhaqaatiirta ay ku daweyso Guurka xalaasha ah

6- Ogaaw dadku kuguma ahan cadow balse waxaa tahay ruux qaan-gaar ah waxaana u baahantahay Guur, taasoo daawo u ah Xanuunka ku haayo waana Cudur inta badan ku habsada dadka Aadanaha ah markii laga reebo xaaslaha

7- Haddii aad la kulanto Xanuun joogta ah, isla hadal badan, fakir badan, Mashquul aan dhamaan adiga oo aan garaneynin halka aad ka fakareyso Ogaaw daawadaada waa mid muuqata ee is-garo

8- Dadka hadii aad mar waliba ka fogaato adiga oo u arkaaya inay yihiin kuwa kula dagaalsan xaaladu sidaa mahan ee waxaa u baahantahay inad dajiso jirka iyo maskaxda waxaana ku haaya Jiro u baahan nasitaan

9- Ugu dambeyn hadii aad aragto adiga oo daal badan jirkuna ku danqanaayo meesha lagaa jiro aadan garaneynin isku day inad hesho Gabar ku dhiganta oo aad isla meel dhigtaa Guur xalaal ah .












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog