Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay Maqaayad ku taala afaafka hore ee laga galo xeebta Liido ee magaalada Muqdisho qaraxa ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday gaari laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa kaasoo lagu weeraray maqaayada ku taala xeebta Liido.
Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijinaya in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaasoo ku qarxay qeybta Baakinka baaburta la dhigto ee maqaayada waxaana la sheegayaa in xiliga uu qaraxu dhacayey ay goobta ku sugnaayeen dad aad u gfara badan oo ka qadeynayey goobta.
ilaa hada macada qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa ismiidaaminta ah ee lala eegtay maqaayadaas ku taala xeebta Liido balse waxaa la arkayaa gaadiidka Aambalaasta oo goobta ka daad guraya dhaawacyo fara badan oo ka dhashay qaraxaas
wixii kusoo kordha qaraxan Ismiidaamin ee ka dhacay xeebta Liido waxaad kala socotaa newbanaadir.com oo daqiiqad walba idiinsoo gubinaysa wararkii ugu danbeeyey dalka Soomaaliya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
