Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka
Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka digay in maamul aan laga tala gelin
dadka deegaanka loo sameeyo deegaanada Jubooyinka, iyadoo lagu wado in maalinta
berri uu ka furmo Kismaayo shirweynaha maamul u sameynta.
Aadan Madoobe oo dib Muqdisho ugu soo
laabtay, kadib safar uu mudooyinkan ku joogay magaalada Nairobi, halkaasoo ay
ku sugan yihiin qolooyin doonaya in maamulo u sameeyaan Jubada Hoose, Jubada
Dhexe iyo Gedo, ayuu sheegay inuu kala hadlay in aan lagu fududaan maamul loo
sameeyo deegaanadaas.
“Waxaan Nairobi kula soo kulanay
qolooyinka ku howlan maamul u sameynta Jubooyinka, waxaa kula talinay in aan
lagu fududaan dhismaha maamulkaas oo aan lagu deg degin”ayuu yiri Aadan
Madoobe.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in beel
gaar ah ay wadato maamul u sameynta Jubooyinka, isagoo ka digay in maamul aan
dadka deegaanka lagala tashan loo sameeyo.
Shirweynaha maamul u sameynta
Jubooyinka ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo taariikhdu ku beegan tahay
23-Febraayo uu ka furmo magaalada Kismaayo, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay isa
soo tarayeen diidmada laga muujinayay qorshaha maamul u sameynta.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
