Min-yaro Ka Shakiday In Ninkeedu Guursan doono Xaaskii Sedexaad Oo Mindi Ku Dishay, Waa qiso Cajiiba

Friday, February 22, 20130 comments


Marwo ayaa ninkeedii dishay kadib markii ay sedex jeer laabta kaga dhufatay mindi,Siduu qoray joornaalka “Al-rayi” oo ka soo baxa dalkaasi, iyadoo sababtana lagu sheegay inuu ahaa khilaaf uu dhaliyay masayr ay ka qaaday gabadhaasi markii ay ka shakiday inuu guursanayo ninkeedu xaaskii sedexaad.!

Hadaba, sida uu joornaalku xusay,waxaa saldhiga Booliska la soo hadashay qof dumar ah oo aan markaa lagaranayn haybteeda balse gabadh kuwait ah,taas oo sheegtay “in ninkeedii oo Kuwaiti ahaa, da’ahaana jiray dhowr iyo sodon uu isdilay isagoo mindidii madbakha isku dhuftay, kadib markii uu ka cadhooday sabab aanay iyadu garanayn sida ay sheegtay.”

Goobtii markii booliskii ay gaadheen goobtii,waxay ugu tageen mayka ninka gabadhan qabay oo fadhiga daadsan,kadib maydkiina waxaa loo diray dhakhtar baadha.gabadhiina waxaa hore u siikaxaystay Booliska si ay arinkan wax uga waydiyaan.

Hadaba Markii booliskii su’aalo dhowr ah gabadhii waydiiyeen ayay arkeen hadalkeedii oo isdaba marsan,taas oo sababtay in Booliska shaki galo,waxaanay ka dalbadeen gabadhii inay isdejiso si ay Booliska ugu suurtagasho inay su’aalahooda ugu helaan jawaabo macquul ah,talaabadaasi waxay dhalisay in gabadhii qirato inay iyadu tahay qofka dilay ninkeedii,

Iyadoo sababta ku sheegtay inuu isu diyaarinayay sidii uu gabadh kale oo sedexaad u guursan lahaa,kadibna ay murmeen gacmahana ay ku dagaalameen,dabadeed ay mindi ka soo qaadatay kijada,kagana dhufatay sedex jeer laabta,halkaana uu ku nafwaayay.

Booliskii wuxuu go’aansaday inay gabadha gacanku dhiiglaha ah ay xabsiga ku siihayaan si ay ugu gudbiyaan xeer ilaalinta oo kiiska la wareegi doonta..










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog