Haweeney u dhalatey qoyska reer
Boqorka dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday ceeb iyo
fadeexad weyn ka dib markii ay diiday inay bixiso lacag baad ah ka dibna la soo
bandhigay filim wax loogu dhimaayo sumcadeeda iyo tan qoyska ay ka soo jeedo ee
reer boqor.
Haweeneydan oo ah amiirad qoyska reer
boqor ee dalka Sacuudga oo lagu magacaabo Princess Basmah bint Saud bin
Abdulaziz al Saud ayaa waxaa la sheegay inay arinteeda ay bilaabatey ka dib
markii loo dhigay shirqool oo ahaa in nin sheekh reer Imaaraadka ah iska soo
dhigay oo ay isku barteen bogeeda Facebook ayna mudo wada sheekeysan jireen uu
ugu dambeyn u sheegay inuu faro ka haayo oo uuna ka codsaday inay bixiso lacag
dhan ilaa iyo 500,000 oo doolar oo ayna ugu shubto bank ku yaala dalka Masar
hadii kale uu qarxin doono sawiro iyo video ceeb ah oo uu sheegay inuu ka
haayo, Laakiin haweeneydaas boqorada ah ayaa diiday arintaas ah inay bixiso
lacagtaas iyadoona sheekadii soo bandhigtay inta uusan ninkaasi soo saarin,
Haweeneydaan oo diiday inay shaaciso magaca ninkaas ayaa ku tilmaantay oo
kaliya nin weyn oo ilaa 30 jir caan ah oo reer Imaaraadka ah, Haweeneydaan ayaa
sidoo kale waxay dafirtey in filimkaas uu ka duubay asaga waxayna sheegtay
inkastoo ay ninkaas kuwada sheekeysteen SKYPKA la iska arko hadana filimka uu
ninkaan soo bandhigay in laga xaday Laptopkeeda oo uu ahaa mid ay kula
sheekeysanaysay mid ka mid ah caruurteeda, Filimka uu soo bandhigay ninkaas oo
u muuqda mid laga duubay Skypka ayaa waxaa ka muuqda haweeneydaas oo shumineyso
kaamirada islamarkaana cabeysa sigaar madaxana uu u qaawan yahay arintaas oo
ceeb weyn iyo meel ka dhac ku ah qoyska reer boqor iyo sumcadoodaba.
Ugu dambeyntiina iyadoo filimkaas uu
soo bandhigay ninkaas uu yahay mid meel ka dhac weyn ku ah haweeneydaas iyo
qoyska reer boqorka ee dalkaas Sacuudi Carabiya ayaa haweeneydaas waxay
sheegtay in koox tuugo internetka ah ay u soo dhigteen inay sumcadeeda iyo tan
qoyskeedaba ay waxyeelaan laakiin arintaas ayey sheegtay inaysan ku guuleysan
doonin, haweeneydaan oo 48 sano jir ah islamarkaana ah hooyo 5 caruur ah (3
gabdhood iyo 2 wiil) leh ayaa waxay tahay gabadha ugu yar caruurta uu dhalay
boqorka King Saud, waxayna ku nooshahay galbeedka magaalada London , iyadoona
ah qof ku caan baxay taageerida iyo inay u dooda xaquuqul insaanka,
haweeneydaan boqorada ah ayaa waxay kiiskaas u xilsaartey qubaro ku xeel dheer
kumpiyuutarka si ay u baaraan sida ay wax u dhaceen.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com