Dibad baxayaal soo dhaweeynayay nalalka la gelinayo wadooyinka Muqdisho oo xalay socod ku maray wadada Wadnaha

Friday, February 22, 20130 comments


Isu soo bax balaaran oo ay ka qeybgaleen dadweynaha ku nool degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigleey  iyo Howlwdaag oo lagu soo dhaweeynayay hirgilinta nalalka ku shaqeeya ileyska qoraxda ayaa xalay lagu qabtay wadada wadnaha.

Dibadbaxayaasha oo ka kala yimid degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigleey iyo Howlwadaag ayaa xalay socod ku maray qeybo ka mid ah wadada Wadnaha gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Sanco ilaa Howlwadaag,  iyadoo wadadaasi uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgeliyay nalalka ku shaqeeya ileyska cadceeda.

Isu soo baxayaasha ayaa ku qeylinayay ereyo ay kusoo dhaweeynayaan mashruuca maamulka gobolka Banaadir uu ku ifinayo waddada wadnaha oo markii ugu horeysay in ka badan Labaatan Sano kadib la arkay iyadoo ifeysa oo ay dadka iyo gaadiidkuba ay si baqdin la’aan ah u dhex mushaaxayaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo gudoomiyayaasha degmooyinkaasi oo la hadlay dadka isu soo baxay ayaa kula dardaarmay in ay gacan ka geystaan nabada oo ay ka hortagaan kuwa caqabada ku ah amniga iyo dib u soo celinta bilicdii magaalada Muqdisho.

Nalalka ku shaqeeya ileyska cadceeda ayaa hore loo geliyay wadada Maka Almukarama,  iyadoo maamulka gobolka Banaadirna uu doonayo in mashruucan lagu baahiyo dhamaan waddooyinka magaalada Muqdisho, suuqyada iyo garoomada Isboortiga.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog