Chokri Belaid oo maalin cad la qaarajiyay iyo Dhiig & Rasaas weli dhex taal gaarigiisa (Daawo Muuqaal ahaan Taageerayaashiisa oo meel kasta xiray)

Thursday, February 7, 20130 comments

Siyaasiga caanka ah ee reer Tuniisiya Mr.Chokri Belaid ayaa la toogtay xili ay la socotay Xaaskiisa waxaana soo weeraray rag hubeeysan oo dhoor xabadood madaxa iyo garbaha kala dhacay. Masuulkaan oo Isbitaalka ku geeriyooday waxaa sidoo kale Lugaha dhaawac fudud uu ka soo gaaray xaaskiisa . 


Chokri Belaid waa 48-jir aad caan uga ah gudaha dalka Tunisia wuxuuna hogaaminayay Xisbi ku kacsan ama Mucaarad ku ah Xisbiga Islaamiga ah ee ka taliya dalka Tunisia. Taageerayaasha Masuulkaan oo rabshado xoogan bilaabay waxa ay sheegayaan dilka Hogamiyahooda in ay ka dambeeyso dawlada cusub ee dalka Tunisia. 



Wadanka Tunisia waa dal Nabad galyo buuxdo ay ka jirto mana ahan dal looga bartay qaarajinta iyo dilalka nuucaan ah balse Tunisia ayaa lagu soo xasuustaa in ay tahay dalkii uu ka curtay ama ka biloowday Kacdoonkii wadamada Carabta kaas oo ilaa hada dalal Nabad ahaan jiray u horseeday bur bur iyo foowdo aan horay loo arag. 















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog