Habeenkii xalay ahaa ayaa hooya Soomaaliyeed waxa ay ku dhashay Isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho wiil ay ka muuqdaan astaamo kamid ah mucjisooyinka rabaaniga ah.
Wiilkaasi yar oo dhashay isaga oo nool ayaa waxaa lasheegay in uusan laheyn San iyo Af midna, sidoo kalana uu lahaa qoor ka dheer qoorta caadiga ah ee Aadanaha, halka dhegahiisa oo uu sida San uga neefsanayay ay ku yaallan daamanka.
Ehelada hooyada dhashay wiilkaan mucjisada lagu arkay ayaa waxa ay warbaahinta u xaqiijiyeen waxa ay arkeen.
Wiilkaasi yar ayaa lasheegay in uu geeriyooday waqti kooban kadib markii uu ifka ku sugnaa isaga oo nool.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
.jpg)
