Farxiyo Kabayare Arooskii Dalmar yare ma joogtay misa way ka maqnayd+ DAAWO VEDIO-GA

Friday, February 8, 20130 comments

Waxaa dad badan is waydiinayaan Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Farxiyo Kabayare oo aan ka soo muuqan Arooskii Dalmar yare ee ka dhacay Dalka Maraykanka kidib markii ay halkaa ka qaadeen heeso kala duwan Fanaaniin ay ka mid tahay Hodan Cabdi raxmaan oo ka mid ah Fanaaniinta Waqooyiga America .

Fanaanada Farxiyo kobayare oo arooskeedii dhacay sanadkii hore uu dalmar yare ka mid ahaa Fanaaniintii ka tumay ee ka qaaday heesa kala duwan ayaa la ogayan sababta ay Farxiyo uga soo muuqan waysay masraxa iyadoo Dalmar yare lugu xasuusto heestii Arooskeeda ka qaaday ee ahayd ( Saaxibtay Rumaaday ) taa uu ku muujinayay galgacalka Walaaltinimo u hayo .

Fanaaniinta Hodan Cabdi raxmaan iyo Fanaanada kale Rahma Rose ayaa ka mid ahaa Fanaaniinta ka soo muuqday Masraxa waxa ayna si wada jir looga dareemayay dareenkooda ku aadan Farxada Arooska Dalmar yare iyo Xaaskiisa Samiira oo arooskooda si wayn looga tumay .

Lama oga ilaa iyo Hada sababta Farxiyo Masraxa Arooskaa uga soo muuqan waysay waxana taageerayaal badan oo taageera u ah Farxiyo is waydiinayaan Sababtii Farxiyo kaalinteeda Arooskii dalmar uga soo dhalaali waysay madama si hagar la,aan ah arooskeedii uga tumay

Hayeshee lama oga in ay jiri doonaan heeso kale oo ay gadaal ka soo saari doonto oo Muuqaal laakiin ilaa iyo hada lama hayo heeso Muuqaal ah oo ay arooska ka qaaday hayeeshee arinta dadku is waydiinayaan ayaa ah Farxiyo ma joogtay misa waa maqnayd .

mar ay shabakada newbanaadir ay la xariirtay farxiya kabayare ayay u sheegtay in ay saxaafada u soo bandhigi doonto sababta ay ugu maqneed arooska Dalmar yare.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog