Daawo Sawirada Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Booqday Xarunta Tababarka Ciidammada Qalabka Sida Ee Ethiopia

Saturday, February 16, 20130 comments



Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin magaalada Addis Ababa ayaa saakay booqday xarunta tababarka Ciidammada Qalabka Sida ee dalkan Ethiopia.

Gudoomiyaha booqashiida waxaa ku wehliyey Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee golaha Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo gudoomiyeyaasha gudiyada Baarlamaanka oo safarkiisa ku wehliya.

Markii uu xaruntaasi tagay waxa uu la kulmay saraakiisha iyo macaliinta ku sugan oo iyagu u sharaxay sida tababarradaasi loo bixiyo waxaana goobta sidoo kale loogu soo bandhigay Gudoomiyaha sida tababarka loo qaato iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhinaca kale Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gelinka dambe ee maanta la kulmi doona Ra’isulwasaaraha Dalka Ethiopia oo ay kawada hadli doonaan arimmo dhowr ah.































_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog