Daawo Sawiro Qaraxii ka dhacay Xeebta liido

Sunday, February 17, 20130 comments



Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lasiii dhigay baarkin weyn oo ay leedahay Maqaayada Liido Sea food ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha saldhiga Police-ka Bari Cali Xassan Weydoow iyo waliba mid kamid ah milkiilayaasha Maqaayada oo layiraahdo Qaasmin Maxamed Nuur oo saxaafada halka uu qaraxu ka dhacay kula hadlay ayaa waxa ay si isku mid ah u sheegeen in askari kamid ahaa ilaalada baarka uu geriyooday mid kalana uu dhaawacmay.

Cali Xassan Weydoow ayaa waxa uu soo bandhigay Mobile uu sheegay in loo adeegsaday qaraxa oo gaariga qarxay dul saarnaa, kaas oo uu sheegay in lasoo wacay kadibna uu qaraxu dhashay.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale uu bur bur aad u badan gaarsiiyay gaadiid nuuca raaxada ah oo iyana goobta lagu baakimay ayna lahaayeen dad kusugnaa gudaha maqaayada.

Qaraxa marka uu dhacaay waxaa dab qabadsay dhamaan gaadiidka halkaasi ku sugnaa waxaana gurmad deg deg ah sameeyaay gaadiid dab damis ah iyo shaqaalaha gurmadka deg degga ah oo ku guulestay in aan dabkaasi faafin.






















___________________________________
Xafiiska Shabakada gubtanews
Muqdisho - Somalia
gubtanews@hotmail.com
www.gubtanews.com












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog