Dhulgariirkan xoogaleh quwadiisana lagu sheegay cabirka 8 ayaa ka dhacay
bada hoosteed meel aan ka fogeyn jasiiradaha Solomon ee ku yaal badweynta
Pacific ayaa keenay cabsi laga qabo hirarka Tsunamiga.
Wararka hada
soo baxaya ayaa sheegaya in gariirka uu ka dhacay meel dhulka hoose u jirta
33km, iyadoo la sheegay in khasaaro weyn ay ka dhalan dhulgariirka ka dhacay
bada hoosteeda.
Qaar badan oo kamid ah wadamada saaran
badweynta Pacific iyo jasiiradaha ku dhaw goobta gariirka ka dhacay ayaa waxaa
saaka arooryadii hore laga soo saaray digniino la xariira hirarka Bada ee ka
dhashay gariirkaasi inay soo gaaraan magaalooyinka saaran xeebaha.
Balse waxaa la sheegay in illaa iyo hada aysan
jirin khasaaro xoogleh oo ka dhashay gariirka iyo waliba hirarka Tsunamiga ee
laga cabsi qabay.
Aqoonyahanada baara dhulgariirka ayaa sheegay
in maadaama gariirka uu ka dhacay meel aad u hooseysa oo dhulka hoose ah ay
yaraaneyso cabsida laga qabi karo in ay hirarka bada ku fatahaan xeebaha saaran
badweynta Pacific.

_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com