Dowlada Soomaaliya Oo Gudi Qaran U Saaraysa Kala Celinta Hantida La Kala Haysto

Wednesday, February 6, 20130 comments


Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney dhisi doonto gudi u hawl gala sidii ay u kala saari lahaayeen dadka guryaha kala haysta wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maalmaha soo socda la magacaabi doono gudi  qaran oo ka shaqeeya xal u helida hantida la kala haysto .
Wasiirka ayaa tilmaamay ineysan mar danbe dhici doonin in mawaadin Soomaaliyeed gurigiisa xoog looga haysto isagoona ku nuuxnuuxsaday in gudiga qaran ee la dhisi doono ay awood buuxda u siin doonaan go’aan ka gaarista arimaha la xiriira hantida ka maqan dad badan oo Soomaaliyeed isla mar ahaanteena aysan suurta gal ahayn in qof guri ama hanti kale oo ma guurto ah uu leeyahay xiligan uu sii haysto qof dulmi ku haysta.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa hoosta ka xariiqay in gudiga qaran ee la dhisi doono uu ahaandoono mid madax banaan isla markaane go’aan ka gaara hantida la kala haysto isagoona ballan qaaday iney laamaha amaanka ku amri doonaan iney u hogaansamaan awaamiirta iyo go’aanada ay soo saaraan si ay ugu sahlanaato hawsha loo igmaday.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya uu meesha ka baxay is aaminaadii umada Soomaaliyeed arintani ay doonayaan iney kusoo celiyaan is aaminaadii iyo walaalnimadii ka dhexeysay bulsho weynta Soomaaliyeed wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey natiijada ka dhalan doonta gudiga ay u saari doonaan kala celinta hantida la kala haysto.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog