Dowlada Britain oo 3 Milyan oo Bown ugu deeqday dowlada Soomaaliya

Tuesday, February 5, 20130 comments


Dowlada Ingiriiska ayaa lacag dhan 3 milyan oo Bown ugu deeqday dowlada Soomaaliya si loogu horumariyo hay’adaha dowlada xilli Ra’isulwasaaraha dalka Ingiriisku uu magaalda London ku qaabilay mdaxweynaha Soomaliya.

War ay soo saartay dowlada Ingiriiska ayaa lgu sheegay in Lacagtan gaareysa Sadexda Milyan ee Bown lagu taageeridoono dowlada si ay uga soo baxdo xaaladi kala guurka aheyd ee dalku ku jiray.

Sidoo kale dowlada Ingiriska ayaa sheegtay in 1.7 milyan oo ka mid ah lacagtaas lagu horumarindoono Baarlamanka iyo hey’adaha kale dowlada, lacagta kale oo ah 1.5 milyan oo Born waxaa lagu caawindoona dad gaaraya Lixdan Kun kuwaas oo isugu jira caruur iyo hooyooyin ay nafaqa daro heysato.

Dhanka kale Baarlamaanada wadamada Ingiriiska iyo Norwey waxey si wada jir ah u martigelin doonaan mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya si ay u siiyaan talooyin iyo tababaro ku aadan dhinaca Dastuurka ah, sidoo kale barnamijkan ayaa caawinaya in dhalinyaro badan ka faa’ideystan habka dowlad nimada iyo sida dastuurku u shaqeeyo.

Hadalkan ka soo baxay dowlada ingiriiska ayaa waxaa ku dhawaaqay kaaliyaha xoghayaha xiriika caalamiga ah ee dowlada Ingiriiska oo la kulmay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka hor inta uusan la kulmin R/wasaaraha dalkaasi David Cameron.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog