Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya oo Xalay howlgal Dad Lagu Soo qabqabtay ka sameeyay degmada Xamar Jajab

Tuesday, February 5, 20130 comments


Ciidamada amaanka dowlada Soomaliya ayaa xalay howlgal lagu xaqiijinayo amaanka Islamarkaana lagu qabqabtay in ka badan 120 ruux ka sameeyay degmada X/jajab ee magaaalda Muqdisho.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah isaga kaashanayeen ciidamada Booliiska iyo kuwa nabadsugida ayaa habeenkii xalay laga fuliyay degmada Xamar Jajab, iyadoo lagu soo qabqabtay in ka badan 120 qofood oo ay ku jiraan kooxo falal amnidaro ah ka geysta degmadaasi iyo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay xaafadaha degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Xamar jajab Maxamed Cali Axmed ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabqabtay 127 ruux, oo Sideed ka mid ah gacanta lagu hayo iyadoo ay baaris ku socoto, kuwaas oo lagu tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen Bam gacmeed habeen ka hor lagu tuuray Hotelka ku yaala degmadaasi.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in marka laga reebo Sideedaasi qof, la sii daayay intii kale kadib markii la gartay in aysan lug ku laheyn falalka amnidarada ah, waana habeenkii labaad oo hawlgalkaasi ka socdo degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog