Fanaanda reer Lubnaan Elissa oo Jaceyl La Walanayso

Sunday, February 24, 20130 comments


Fanaanada caanka ah ee reer Lubnaan Elissa ayaa waxaa dhibaata xoogan ka haysataa sidii ay ku ilaabi lahayd saxibkeedii hore oo jacay lixaad leh maskaxda kaga shubay sida ay ku sheegtay waraysi ay siisay website Dunia Al Wata.

Fanaanada oo haatan xaaladeeda tahay mid aan saadalin laga bixin Karin ayaa waraysi ay bixisay shaaca kaga qaaday in dhibaato xoogan ka haysato jacayl xoogan u qaaday saxibkeed hore oo ay magaciisa qarisay oo iminka ay sheegtay in uu guursaday naag kale.

Waraysigaa oo ahaa mid xasaasi ah ayaa lugu waydiiyay heesteeda Ta’ibt Minak in ay khusayso ninka ay jacaylka xoogan u hayso waxa ayna sheegtay in asaga u qaaday islamarkaana ay tahay mid ka turjumaysa dhibta jacaylka leeyahay .

Fanaanada ayaa sheegtay in ay adag tahay in ay ilowdo hayeeshee waxa ay sheegtay in labada ruux marka uu xariirka ka dhaxeeyo ay dhaxmaraan waxyaaba badan oo sabab u noqon kara in ay is wayaan haba u badnaadeene ayay tiri in ay kala maseeraan .








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog