Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta soo saaray baaq
ku aadan dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo.
“Waxaa dhawaan isoo gaartay in dagaal
ka dhacay magaalada Kismaayo. Waxaana aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah
oo Somaliyeed si micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay
sugayeen in ay maamul sameystaan” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid
Ugu horeyn, waxaan ku baaqeynaa in si
deg-deg ah loo joojiyo dagaalka. Anagoo ugu baaqayna dhinacyada ku lugta leh
inay is xakameeyaa kuna raadiyaan xalka qaab ku dhisan is qancin iyo tanaasul.
Waxaan xasuusineynaa shacabka deegaanka in dagaal iyo xoog uu san ku jirin
xalka ummadda.
Waxaa xusid mudan, in dhawaan ay
Dawladda Federaalka Soomaliyeed ay u-gudbisay casuumaad guddiyadda qabanqaabada
maamul u sameynta deegaannadaas si ay isugu yimadaan kulan wadatashi ah oo
dhacaya 26ka Feebaraayo ilaa 1da Maarso. Gogoshaas oo loogu talagalay in looga
wada tashado sidii loo dedejin lahaa sidii shacabku maamul u samaysan
lahaayeen.
“Waxaan mar labaad ku baaqayaa in la
joojiyo dagaalka ahliga ah ee ay ku wax yeeloobayaan shacabku, Waxaana dhamaan
xasuusinayaa in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad cusub oo ku salaysan
nabad iyo wadatashi, taas oo looga soo gudbay xiligii ku meel gaarka ahaa, ayna
hiigsaneyso mustaqbal wanaagsan iyo horumar”.
Ugu dambeyntii, waxaan ilaahay ugu
baryaya wixii dhintay in uu ehaladoodii samir iyo imaan ka siiyo inta dhawaca
gaarayna caafiyo. Waxaana Eebe ka baryayaa in qof danbe oo Soomaaliyeed uusan
dagaal aan loo baahneyn ku waxyeeloobin isaga iyo hantidiisuba.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com