Farxiya: Xaaji tahriibow talo keen sxbkeey waa mashquul badan yahay imana sheekeeyo !!!!

Thursday, February 14, 20130 comments



Ila Tali:-Waxaa Warqad Talo celin ah ay Naga soo Gaartay Gabar Magaceeda ku sheegtay Hodon, Sida ay Soo Sheegtay Waxa ay Ku Nooshahay Wadanka Keenya, waxa Ay tiri Marka Hore Waan Idin Salamay Shaqalaha Shabakadda gubtanews.com, Qaasatan Waxaan Salaamaya Tala Celiye Maxamed Xuseen (Xaaji Tahriib).

Salaan Kadib Hodon Qoraalkeeda oo Gaabna Waxa ay Ku Bilowday Sida Tan:-

Waxaa Jacayl Naga Dhexeya Wiil aan Wada Joogna Magaalada Neyroobi, Saaxibkeey Waa uu Mashquul Badan Yahay, Waxa uu ku Jiraa Howlo Ganacsi , inta Badan Aniga Waqti aan La sheekeysto iima Helo.

Markaan Aan weydiiyana waxa uu iigu Jawaaba Mashquulka ayaa iska Badan, Waad Ogtahay Howsha Ganacsi ee aan Ku Jira Marka Is Daji Hodon, arini waa sidaa ee Maxaan Ka Yeela Xaaji Tahriibow.

Talo Celin:-

Hodon Waanu Kaa Gudoonay Salaantaas Midaas Mid Lamid ahna Anagana Naga Hano Walaal, Salaan Kadib Taladadaa Waa ay Fududahay, Kaliya Waxaa kugu Haboon in aad Saaxibkaa aad Dulqaad u Muujisa, Sababtoo ah waxa uu u shaqeynaya Waa adiga, Haddii uusan Maseyr Kale iyo Tuhun Naageedba uusan Kugu Jirin samir

Dabcan isna Waxaa Looga Baahan Yahay Tixgelin iyo Qadarin Iyo in Waqti uu Kula Qaato uu kusiiya, si Guurkiina Ka Hor aad Wax Isula Meel Dhigtaan Meelaha Doldoleeda Ka Imaan Karaana aad Iska Xirtaan si Beri Kamaalin Hadaad AQal Gashaan aysan Is Faham Daro idiin Qaban.

Taladaas Gaaban Waxa La siiyay Gabar Magaceeda Ku sheegtay Hodon oo Warqad Nooga Soo qortay Dalka keenya.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog