Gudoomiye Xaafadeed xalay lagu dilay degmada Baydhabo

Thursday, February 28, 20130 comments


Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa xalay lagu dilay Xaafada Isha Baydhabo, kadib markii hoy uu degenaa lagu weeraray bam gacmeed.

Sida ay sheegayaan wararka Mas’uulkan ayaa aha Gudoomiyaha Xaafada Isha, iyadoo kooxo hubeysan ay gurigiisa bam gacmeed ku tuureen.

Mas’uulkan oo lagu magacaabayay Aadan Xuseen Aadan ayaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray bamka, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaaray labo caruur uu dhalay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada Baydhabo, sidoo kale kooxihii weerarkan ka dambeeyay ayaa baxsaday, inkastoo saaka Xaafada Isha lagu arkay ciidamo ka tirsan dowladda oo howl galo ka sameynayay.

Baydhabo ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo dagaalo Al-Shabaab ku soo qaadeen, waxaana muddo sanad laga joogaa markii Al-Shabaab laga saaray.

Dhinaca kale dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Awdiinle, kaasoo ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiyaha degmada Bardaale ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen saddex ka tirsan Al-Shabaab, ayna nolol ku qabteen labo kale, waxaana uu tilmaamay inay dib u caabiyeen.

Dagaalka xalay ka dhacay Awdiinle ayaa ku soo beegmaya, iyadoo habeen hore Al-Shabaab weeraro qorsheysan ku qaaday qeybo ka mid ah Gobolka Bay oo ay ku jirto degmada Baydhabo.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog