Maxkamada darajada koowaad ee
ciidamada qalabka sida ee Gobolada Bari ayaa maanta wax ay xukun dil ah ay
kuriday dad ku eedaysnaa dilkii loogaystay Dr. Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
oo kooxo hubaysan ay kudileen Magaalada Boosaaso 5-tii bishii Decmeber sanadkii
2011.
Maxkamadda ayaa sheegtay in qaar ka
mid ah eedeysanayaasha gacanta lagu hayo qirteen iney ka tirsan yihiin
amniyaadka Alshabaab, islamarkaana qirteen iney ka qeyb qaateen dilkii Sheekh
Axmed C/raxmaan.
Maanta ayaa maxkamada darajada
koowaad ee ciidamada qalabka sida waxa la horkeenay 6 kamid ah eedaysanayaasha
kuwaasoo hooray loo qabtay, kalana ah:
1: Axmed Maxamed Cali.
2: Maxamed Maxamuud Saacadoole.
3: Maxamed Abshir Cartan
4: Cabdiraxmaan Maxamed Cali
5: Cabdiqani Nuur Maxamed Qorane
6: Ruqiyo Maxamed Yuusuf.
Eedeysanayaashan ayaa lagu eedeeyey
iney ku lug lahaayen dilka Shiikha, waxaana haweenayda ku jirta lagu eedeeyay
inay soo dhaweysay, islamarkaana dejisay shakhsiyaadka dilka geytsay, xisoo
kalana xiriir la leedahaya Alshabaab.
Gabagabadi maxkamada ayaa waxa ay
maxkamadu ay soo saartay go’aan xukun kaasi oo ahaa mid ciqaab ah, kaasoo uu ku
dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida
C/fataax Xaaji Aadam Axmed.
Sidoo kale, waxaa iyagoo maqan
maxkamadaasi dil toogasho ku xkukuntay raga kala ah:
1- Axmed Cabdi Godane
2- Cusmaan Axmed Qaasin
3- Mowliid Max’ed Aadam
4- C/raxmaan Axmed Sh. Cumar
5- Cusmaan C/rizaaq Saacid
6- Xasan Jaamac Surato
Maxkamadda ayaa sheegtay in raga
maqan xukunka lagu fulin doono kadib marka gacanta lagu dhigo, sida warka loo
dhigay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
