Ma dooneysaa in aad si dhab ah u
dareento dareemahaada ku aadan qofka aad wada socotaan kaliya isku qabo indhaha
meel degan aad hal daqiiqo ka fikir ka dib indhahaada fur oo is weydii 10-kaan
su`aal , waxaad ka garaneysa waxa aad qabto isla natiijada kaaga soo baxda
jawaabta.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
1- Ma ka fikirtaa daqiiqad waliba oo
niyaadada ma ku taagan yahay /ku taagan tahay ?.
2- Ma dareentaa in aad qofka aad
jecshahay yahay qofka ugu qurxoon uguna wanaagsan aduunka ?.
3- Marka aad dareento in xooga dhib
ah ku haysto ma ka fikirtaa qofka aad jecashahay oo ma rabootaa in aad la
sheekeysatid ?.
4- Farxad waali ah ma dareentaa marka
aad la joogto qofka aad jeceshahay ?.
5- Wadnaha si xowli ah ma kuu
garaacmaa marka aad aragto qofka aad jeceshahay ama marka aad telka kala hadleyso
oo xitaa marka aad hesho fariin kaaga timaada xagiisa/xageeda oo mobile-ka ah
ama emailka ah ?.
6- Diyaar ma u tahay in aan
noloshaada u hurto illaa iyo daqiiqada ugu damabeysa noloshaada ?.
7- Ma Ooysaa marka uu xanuunsado
qofka aad jecashahay?.
8- Himilooyinkaada ugu weyn ma yihiin
in aad nolsohaada dhan aad la joogto qofka aad jeceshahay ?.
9- Ma dareentaa in dunida wax yaal
dhan aad adiga leedahay marka aad garab joogto qofka aad jeceshahay ?.
10- Ma laga yaabaa in murago wadnaha
kula istaago hadii aad kala hartaan qofka aad jeceyld ? .
Haye ma ka jawaabtay su`aalaha 10-ka
ah , maxay tahay natiijadaada midda haa aad ku jawaabtay , ogoow lambar 8 iyo
lambar 10 waa jaceylka dhabta ah ee xooggan, lambar 6 iyo 7 waa jaceyl xaqiiqi
ah halka 3 iyo 5 yihiin jaceylka bilaawgiis sidoo kale 1 iyo 2 iyana waa kaliya
ka hilitaan waana suura gal in jaceyl uu isu rogo.
Newbanaadir Hoyga Arimaah Bulshada, Waa
Muhiim Aragtidaada Ku Aadan Mowduucaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com