Haweenay Dhakhaatiirta Dunidu U Sheegeen Inay Madhalays Tahay Oo Ilmihii Tobnaad Dhashay (Layaab)

Sunday, February 24, 20130 comments

Haweenay u dhalatay dalka Britain oo baadhitaano caafimaad oo ay ku sameeyeen dhakhaatiir kala duwan oo dunida iyo dalkeedaba ah, loo sheegay wakhtigaas inuu ku dhacay xanuun ka dhigaya madhalays ayaa ilmihii tobnaad todobaadkan ku umushay dalka Ingiriiska.

Sida ay ku warantay jariirada Daily Mail ee ka soo baxda isla dalka Ingiriisku Haweenaydan oo lagu magacaabo, Katrina Young (36-jirna ah) ayaa iyada iyo odaygeeda Robert oo (54-jir ah), ay dhakhaatiirta dalkooda iyo kuwo ka tirsan waddamada Midowga Yurub iyo Maraykanku u sheegeen in ay noqonayso ma dhalays, oo uu ku dhacay, xanuun burburiya, ilma galeenka oo dhasha kala dagaalama haweenka ama madhaylays ka dhiga.

Sida qoyskani sheegeen waxa ay lamaanahaasi isla garteen inay ku samraan nolosha oo iska sugaan inta faraj u soo baxayo, taas oo sida dhabbta ah u rumowday, ilaa heer ay soo gaadheen inay dhalashada ilmahoodi tobnaad u dabaal degeen dhawaan.

Lamaanahan qoyska ah ayaa baadhitaanka caafimaad ee gabadhaas iyo natiijada ay dhakhaatiirtu ka soo saartay ku tilmaantay, mid khaldamay oo gabi ahaanba been noqtay, ka dib markii sida ay sheegeen ay gabadhaasi dib u uuraysatay.

Sidoo kale waxa ay dhakhaatiirta dunida ku beenowday, warbixintii gabadhaas ay ka bixyeen, halka aanay tani ka ahayn markii ugu horasay ee ay natiijada dhakhtaradu kaldanto ama ku dhamaato waxba kama jiraan iyo wax aan rumoobin.

Sida la tibaaxay waxa dhacay in ilaa dhawr iyo toban qosy oo loo sheegay in aanay wax carruur ah isku dhali doonin uu Illaahay (SW), ku arsaaqay carruur tiro badan oo gabi ahaanba ay ku beenowday doodiihii iyo sheegashadii dhakhaatiirta.

Wakhtiga haweenaydan iyo ninkeedu ay baadhitaanka caafimaad mareen oo laga joogo toban sanadood ayaa si buuxda loogu cadeeyay, in aanay waxba isku dhali doonin, oo haweenaydaasi ma dhalays tahay, laakiin may quusan oo waxa ay go’aansadeen inay isa sii qabaan, ilaa mar kaliya si is daba joog ah ubad isaga daba dhasheen.

Lamaanahan oo ka jawaabaya mucjisadan ayaa dhakhaatiirtii baadhay oo ah kuwa dunida ugu casrisan ee dalalka ugu horumarsan caafimaadka, ku tilmaamay kuwo been sheegay oo aan mar qudha sheegin ee tobanaan beenood sheegay sababtoo ah waxa ay u sheegeen in ilme qudha aanay isku dhali doonin, laakiin waxa taa badalkeeda ay imika u dabaal degayaan ilmihii tobnaad taas oo toban jeer beeninaysa natiijadii baadhitaankii dhakhaatiirta dunida.

Qoyskan ayaa ilmihii ugu danbeeyay ee u dhashay oo gabadh ah ugu magac daray,(Nikita), halka sagaalkii ka horeeyay magacyadoodu kala ahaayeen, (Nikos 17-Jir ah), (Gianni 14-Jir ah), (Alanis 12-jir ah), Janis 11-jir), (Electra 9-jir ah), (Alexey 8- Jir ah), (Banysio 7-Jir ah), (Calica 5-jir ah), iyo Athens (laba jir ah)









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog