Jilaaga reer Britian, Rowan Atkinson
oo loo yaqaan ( Mr, Bean) marbuu badbaadiyey diyaarad uu rakaab ka buuxo, xilli
duuliyihiin diyaaradu uu miyir beelay!!
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Mr BEAN, wuxuu ka soo raacay diyaarad
qaas ah isagoo qoyskiisu la socdo, Mombasa waxeyna ku socdeen Nairobi, KENYA,
markii duuliyihii diyaaraddu uu miyir beelay, xiligaas oo diyaaradu dhulka u
jirtay 4,877 mitir, majaajiiliistuhu, wuxuu durba sutiga u qabtay diyaaradii
wuxuuna la ilaaliyey in ey dhulka ku dhacdo, oo wuxuu ku toosiyey uun marinkii,
Manuu lahayn wax qibrad
diyaarad-wadid ah. Xaaskiiska Mr BEAN SUNETRA, ayaa markaas isugu dartay qeylo,
ruxid iyo biyo ooy u dul firdhisay duuliyiihiin suuxsanaa inta ninkeedu
diyaarada la tacaalayeey, falkii xaaska ayaa dulliyihii sababay in uu dib u
miyir helo,
Halkii buuna degdeg diyaaradii mar
kale kala wareegay Mr, BEAN oo naxsan, sidaas ayeeyna ku nabad tageen garoonkii
ay ku socdeen.
Mr BEAN oo intuusan jilaagga noqon
ahaan jiray farsama-yaqaan koronto, wuxuu noqoday jilaa/ka qosliye caan
ah/wuxuu mar kale noqday badbaadiye ( Ilaaheey kaalmadii)
Ha is oran waxba ma garaneysid
markeey badbaadin nafeed timaado, ee isku day iskana soo saar awoodaada qofeed
ee ilaaheey kugu maneystay, eebbe-na kaasho oo bari.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com