Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda
iyo kuwa Raaskambooni ayaa goor dhow ka qarxay magaalada Kismaayo, iyadoo inta
badan Xoogaga Raaskambooni laga saaray magaalada.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan
oo socday muddo 45-daqiiqo ayaa keenay in Isgaarsiinta hawada laga saaro,
waxaana si dhab ah loo ogeyn qasaaraha dagaalka ka dhashay.
Wararka ayaa sheegaya in Isgaarsiinta
degmada hawada laga saaray, iyadoo Xoogaga Raaskambooni ay u baxeen dhinaca
wadada aada Afmadow, halkaasoo ah halka loo riixay.
Dagaalka ayaa salka ku hayay Sarkaal
ka tirsan ciidamada dowladda oo ay xalay xireen Raaskambooni, taasoo keentay in
Ciidamo ku beel ahaa ay weerar ku qaadaan Xarunta saldhiga, waxaana kadib laga
saaray saldhiga Xoogagii Raaskambooni.
Xaafado dhowr ah ayuu dagaalka
saameeyay, mana jirin ilaa iyo hada cid soo kala dhex gashay, gaar ahaan
Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, waxaana adag in la ogaado xaalada guud
ee magaalada
Dagaalka ka bilowday magaalada
Kismaayo ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta lagu waday magaaladaas inuu ka furmo
shirweyne maamul loogu sameynayo, kaasoo uu dib u dhac ku yimid.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay
Maamulka KMG ah ee Kismaayo gacanta ku haya, iyadoo inta badan Idaacadaha
Muqdisho ay hadal hayeen dagaalka ka socda Kismaayo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com